Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda Caafimaadka oo Ka Warbixisay Kororka Coronavirus 24-kii Saac Ee Tagtay Gudaha Dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeel Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalka laga diiwaan geliyay 35 xaaladood oo COVID-19 ah ka dib maanta wasaaradda caafimaadka baaritaanno ay  sameysey.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in hal ruux uu u geeriyooday, 3 qofood oo kalana ay ka bogsoodeen, iyo in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir 24 Somaliland 8 iyo Puntiland 3.

Bukaannda cusub 25 kamid waa rag 10-ka kalana waa haween. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 1,089 xaaladood, 52 bukaan ayaa u geeriyooday cudurka, waxaana bogsootay 121 ruux.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed inay qaataan talooyinka caafimaad ayna ku dhaqmaan tillaabooyinka lagu xakameynayo COVID-19, si guul looga gaaro dadaallada sare loogu qaadayo bed-qabka bulshada.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this