Deeq A. Posted May 11, 2020 Waxaa xalay M/Muqdisho ka da’ay Roobab sababay khasaaro isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burur hantiyadeed, kaas oo sidoo kale watay dabeylo xoogan. Wararka ayaa sheegaya in Roobabkaasi ay sababeen in uu soo dumo mid ka mid ah guryaha qadiimiga ah ee ku yaalla xaafadda Ceel-Qalow oo ka tirsan degmada Wadajir. Ugu yaraan afar caruur ah iyo Ayeeyadood ayaa lagu soo warramayaa inay ku geeriyoodeen halkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in gurmad loo sameeyey qoyska uu guriga ku soo dumay, islamarkaana la soo bad-baadiyey dhowr qof oo kale. Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/warka-safiyo-qasaaraha-roobka-.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites