Sign in to follow this  
Deeq A.

Caruur iyo Ayeeyadood oo ku geeriyooday Ceel-Qalow

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa xalay M/Muqdisho ka da’ay Roobab sababay khasaaro isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burur hantiyadeed, kaas oo sidoo kale watay dabeylo xoogan.

Wararka ayaa sheegaya in Roobabkaasi ay sababeen in uu soo dumo mid ka mid ah guryaha qadiimiga ah ee ku yaalla xaafadda Ceel-Qalow oo ka tirsan degmada Wadajir.

Ugu yaraan afar caruur ah iyo Ayeeyadood ayaa lagu soo warramayaa inay ku geeriyoodeen halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in gurmad loo sameeyey qoyska uu guriga ku soo dumay, islamarkaana la soo bad-baadiyey dhowr qof oo kale.

Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/warka-safiyo-qasaaraha-roobka-.mp3

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this