Deeq A. Posted May 11, 2020 Marka la guda galo xilli Roobaadyada shacabka M/ Muqdisho ayaa la kulma dhibatooyin kala duwan oo ay ugu horreeyaan burbur xoogan oo soo gaara jidadka muhiimka ah, taas oo sababta inuu hakad ku yimaado isku socodka dadka iyo gaadiidka intaba. Sidoo kale waxaan jirin diyaar garow xilli hore ah, si looga gaashaanto khasaaraha ka dhalan kara Roobabka ka da’aya caasimadda. Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa dhowaan qiray in uusan maamulkiisa wax ka qaban karin burburka wadooyinka. Shacabka Muqdisho oo laga qaado canshuur ayaa hadana dhibane u ah maamulka G/Banaadir, waxaana suuragal aheyn in aad isaga kala gudubto gudaha caasimadda. Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/War-Ismaaciil-Turki-Wadooyinka-bur-bursan-ee-muqdisho-.mp3 , View the full article Share this post Link to post Share on other sites