Sign in to follow this  
Deeq A.

Shacabka Muqdisho oo dhibane u ah maamulka G/Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   

Marka la guda galo xilli Roobaadyada shacabka M/ Muqdisho ayaa la kulma dhibatooyin kala duwan oo ay ugu horreeyaan burbur xoogan oo soo gaara jidadka muhiimka ah, taas oo sababta inuu hakad ku yimaado isku socodka dadka iyo gaadiidka intaba.

Sidoo kale waxaan jirin diyaar garow xilli hore ah, si looga gaashaanto khasaaraha ka dhalan kara Roobabka ka da’aya caasimadda.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa dhowaan qiray in uusan maamulkiisa wax ka qaban karin burburka wadooyinka.

Shacabka Muqdisho oo laga qaado canshuur ayaa hadana dhibane u ah maamulka G/Banaadir, waxaana suuragal aheyn in aad isaga kala gudubto gudaha caasimadda.

Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/War-Ismaaciil-Turki-Wadooyinka-bur-bursan-ee-muqdisho-.mp3

 

 

,

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this