Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyihii degmada Garbahaareey oo isagoo xiran laga soo dejiyay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii degmada Garbahaareey ee gobalka Gedo Iimaan Caddow ayaa galabta isagoo xiran laga soo dejiyay magaalada Muqdisho sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ku sugan garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Guddoomiye Iimaan Caddow ayaa dhawaan diiday xil ka qaadis uu ku sameeyay guddoomiye ku-xigeenka gobalka Gedo ahna ku simaha guddoomiyaha gobalka.

Waan waan ay sameeyeen odayaasha degaanka iyo masuuliyiinta gobalka ayaa mira dhali weysay, waxaana la sheegay in guddoomiyaha uu diidanaa xil ka qaadistiisa.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka soo qabtay magaalada Garbahaareey, waxaana diyaarad gaar ah looga soo qaaday isla magaaladaas.

Lama oga sida ay ka yeeli doonto dowladda Soomaaliya, hase yeeshee waxa uu kamid yahay mas’uuliyiin dhowr ah oo diiday isbadalka gobalka, kuwaas oo qaarkood sidaan oo kale Muqdisho loo keenay.

Maamulka Jubbaland ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in faro-gelin ku heyso maamulkaas gaar ahaan arrimaha Gedo, iyadoo ka digtay qatar arintaas ka dhalan karta.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this