Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga UPD oo Sheegay inay La Xisaabtami Doonaan Masuuliyiinta DF ee Xayirtay Safarkii Senator Fartaag

Recommended Posts

Deeq A.   

Qoraal ka soo baxaya xisbiga uu hogaamiyo madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxmuud ee UPD ayaa waxaa lagu sheegay inay sharciga la tiigsan doonaan masuuliyiinta dowladda federaalka ee shalay xayirtay safarkii uu Kismaayo ku gaari lahaa senetor Fartaag si uu uga qeybgalo aaska wasiirkii waxbarashada Jubbaland ee geeriyooday.

“Marka laga tago sharci darrada falkan, wuxuu ceeb ku yahay masuuliyadda dowladnimada kaas oo muujinaya in aysan wax xushmad ah u haynin munaasabadda murugada leh ee tacsida marxuumka, xasaanadda madaxda iyo xurmada bisha Ramadaan. Sidaa darteed Xisbigu waxuu qaadayaa tallaabo kasta oo sharci ah si uu ula xisaabtamo masuuliintii magaca dowladnimada falkaa ku gaystay” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xisbiga UPD.

Sidoo kale xisbiga ayaa si aad ah u cambaareeyay falkii shalay lagu la kacay guddoomiye ku xigeenka UPD “Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka UPD waxa uu si adag u cambaareynayaa falkii guracnaa ee maalintii Axadda 10 May 2020, lagu xayiray safarkii tacsida ahaa ee qaar ka mid ah madaxda UPD uga qaybgali lahaayeen aaska Allaha u naxariisto wasiirkii wasaaradda waxbarashada ee Jubbaland Macallin Maxamed Ibrahim” waxaana falkaasi uu xisbigu ku tilmaamay mid ka soo horjeeda xorriyadda muwaadinka.

Hor istaaga shalay lagu sameeyey labada senator eeka tirsan aqalka sare ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo weli aan xal waara laga gaarin khilaafka siyaasadeed ee ka dhaxeeyo madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedka jubbaland iyadoo dhowr jeer  masuuliyiin laga hor istaagay inay aadaan magaalad kismaayo.

Halkaan ka akhriso qoraalka

Image may contain: text

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this