Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Turkiga oo ku hanjabtay in ay beegsan doonto Ciidamada Gen. Haftar

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Turkiga ayaa Axaddii sheegtay in ay beegsan doonto  ciidamada Jeneral Khalifa Haftar, haddii ay sii socdaan weerarada ka dhanka ah danaheeda iyo howlgalkeeda diblomaasiyadeed ee Libya.

Turkiga  waxay taageertaa dowladda caalamka u aqoonsan yahay Libya, waxayna la gashay heshiis wada-shaqeyn militari ah, xilli xukuumadda Tripoli ay isku dayeyso in ay iska caabiso weerarada kaga imanaya maleeshiyada Haftar.

Haddii howlgalladeena iyo danaheena Libya la bartilmaameedsado, waxaan u arki doonaa ciidamada Haftar bartilmaameed sharci ah” waxaa sidaas lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda, oo sidoo kale lagu cambaareeyey QM in aysan tallaabo ka qaadin weerarada Haftar.

Wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga waxa kale oo ay sheegtay in weerarada garoonka diyaaradha Mitiga ee magaalada Tripoli lagu qaaday Sabtidii ay yihiin dambiyo dagaal.

Khamiistii, Turkiga iyo Italy ayaa sheegay in aagga safaaradahooda Tripoli lagu soo duqeeyey hoobiyeyaal. Afhayeen u hadlay ciidamada Haftar ayaa beeniyey inay mas’uul ka ahaayeen duqeymaha.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Turkiga oo ku hanjabtay in ay beegsan doonto Ciidamada Gen. Haftar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this