Deeq A. Posted May 11, 2020 Xarakada Al-Shabaab ayaa guullo ka sheegatay weerar saacadihii lasoo dhaafay dagaalyahaneeda ay ka fuliyeen saldhig ciidan oo ku yaalla deegaanka Baarsanguuni oo hoostaga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Qoraal ka soo baxay Al-Shabaab oo lagu faafiyay bartooda wararka ay kusoo bandhigaan ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaasi ay la beegsadeen saldhig ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin halkaasi. Warka Al-Shabaab ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in saddex askari ay ku dileen weerarka, islamarkaana 2 ka mid ah ay hubka ka furteen, sida ay hadalka u dhigeen. Dhanka kale ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Jubbaland oo ku aadan weerarkaasi oo uu xigay iska hor imaad u dhexeeyey labada dhinac. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada fariisimaha ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ee ku yaalla koonfurta Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites