Deeq A. Posted May 11, 2020 Ciidamada sida gaarka ah u tababaran Kumaandooska Somaaliya ee Danab ayaa sheegay in ay weerareen deegaanka Carabow oo 50-km u jira degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe halkaasoo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-Shabaab Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ayaa tilmaamay in xiliga ay weerarka qaadayeen uu deegaankaasi shir uga socday saraakiil sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab. Taliyaha guutada 16-aad ee Kumaandooska Xoogga dalka ee Danab G/lle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa Warbaahinta dowladda u sheegay in ciidanka ay cagta mariyeen goobtii uu shirku ka socday, ayna gaarsiiyeen khasaare culus gaarsiiyeen Al-Shabaab. G/lle Maalin ayaa sidoo kale xusay in ay dileen saddex sarkaal oo mid ka mid ah uu ka soo jeedo dalka Maali, laguna magacaabo (Abuu Ayman), sida uu hadalka u dhigay Sidookale wuxuu tilmaamay in labada kale oo Soomaali ah ay dib ka soo sheegi doonaan Magacyadooda. Maalmihii u dambeeyey ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Somalia. View the full article Share this post Link to post Share on other sites