Sign in to follow this  
Deeq A.

Kumaandooska Soomaaliya oo laayay horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab oo ajnabi ku jiro

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Kumaandooska dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Isniin ah shaaciyay, in ay hawlgal qorshaysan ku dileen saddex sarkaal oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo midkood ajnabi yahay.

Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA, ayaa saraakiil ka tirsan Kumaandooska ka soo xigatay, in hawlgalkaasi ka dhacay degaanka Carabow oo qiyaastii 50km u jira degmada Bu’aale ee gobolka Jubada dhexe, kadib markii ciidamadu ay weerar ku qaadeen horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab oo halkaas shir uga socday.

SONNA, oo xiganaysa Taliyaha Guutada 16-aad ee Kumaandooska DANAB  Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin, ayaa ku warrantay in ciidanku ay cagta mariyeen goobtii shirku uga socday horjoogayaasha Al-shabaab, islamarkaana ay ka dileen saddex sarkaal oo midkood ajnabi yahay.

Gaashaanle Maalin, ayaa magaca horjoogaha ajnabiga ah ku soo koobay Abu-ayman, oo ka soo jeeda waddanka Maali, balse ma xusin magacyada labada sarkaal ee Soomaalida ah, isagoo sheegay in ay dib ka shaacin doonaan.

PUNTLAND POST

The post Kumaandooska Soomaaliya oo laayay horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab oo ajnabi ku jiro appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this