Sign in to follow this  
Deeq A.

Khayre oo bogaadiyey dhaqaatiirta ku howlan Corona

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo guddoomiyey shirka guddiga qaran ee xakameynta COVID19 ayaa bogaadiyay dhaqaatiirta ugu waaweyn dalka oo bilaabay in ay ka howlgalaan isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho.

Khayre ayaa sidoo kale baaq u diray aqooyahanada kale ee Soomaaliyeed, wuxuuna ka dalbaday inay ka qeyb qaataan la-dadaalanka Coronavirus.

“Ra’iisul Wasaare Hassan Ali Khaire oo guddoomiyay shirka Guddiga Qaran ee xakameynta  COVID19 ayaa bogaadiyay dhaqaatiirta ugu waaweyn dalka oo bilaabay in ay ka howl galaan isbitaalka Martini iyaga oo garab istaagaya dalkooda iyo dadkooda si loo dabiibayo dadka uu soo ritay cudurka Covid19. isaga oo aqoonyahannada kale ee dalku leeyhay ugu baaqay inay qeyb ka noqdaan dadaallada socda.” ayaa lagu yiri qoraal kooban ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre.

Soomaaliya oo dalalka Afrika ee uu saameeyey cudurka Covid-19 haatan kaga jirta kaalinta 13-aad ayaa waxaa kiisaska la xaqiijiyey ay kor u dhaafeen illaa kun qof.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this