Sign in to follow this  
Deeq A.

Wadajir iyo Howlwadaag oo u gudbay wareega labaad ee tartanka Shabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Degmooyinka Wadajir iyo Kaaraan ee G/Banaadir ayaa xalay isaga hor yimid tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan ee shabakadda warbaahinta Shabelle.

Labada degmo oo soo bandhigay tartan xiiso badan ayaa galay barbaro, waxaana ay ka wada tirsanaayeen group-ka A, wareega koowaad ee tartanka Shabelle.

Wadajir ayaa la timid 12 dhibcood, halka Kaaraan ay iyana keensatay 12, sida uu natiijada ku dhawaaqay, Xasan Weli Sheekh Abuubakar.

Guddoomiyaha guddiga tartanka ayaa sidoo kale sheegay in group-ka A oo ay ku wada jireen illaa afar degmo ay ka soo baxeen degmooyinka Wadajir iyo Howlwadaag oo iska sii xaadiriyey wareega labaad ee tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Taaba-gelinta sanadkaan tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan waa dalada Soomaali Forex Association ee loo soo gaabiyo (SOFA), halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University ee M/ Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this