Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Sacuudiga Oo Xidhay Amiir Faysal Oo Ah Wiil Uu Dhalay Boqorkii Hore Ee Dalkaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)-Mas’uuliyiinta Sucuudiga ayaa xidhay Amiir Faysal oo uu dhalay Boqorkii hore ee Sacuudiga Cabdullah Bin Cabdulcaziz Ala Sacuud, waxaana lagu hayaa meel aan loo ogoneyn in uu cidna xidhiidh la sameeyo, sida ay sheegtay hey’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch (HRW).

HRW oo soo xiganeysa ilo-wareed ku dhow qosyka boqortooyadda ayaa sheegtay in ciidanka amaanku ay Amiir Faysal Bin Cabdullah kasoo xidheen dhisme uu qoyskiisu ka deganyahay woqooyi-bari magaaladda Riyadh, 27-kii March, halkaas oo uu isku karaantiilayay sababo la xidhiidha xanuunka Coronavirus.

Ma jirto wax ay mas’uuliyiintu xadhigiisa u sababeeyeen.

Qofka ay xiganeyso HRW ayaa sheegay in xubnaha qoyska Amiir Fayal ayna ogeyn meesha uu ku xidhan yahay iyo maqaamkeeda ilaa iyo hadda.

Amiir Faysal ayaa kol hore lala xidhay tobanaan qof oo ay ku jiraan xubno qoyska boqortooyadda ka tirsan. Xilligaas waxa ay ahayd 2017-kii oo uu socday raaf ka dhan ah waxa lagu sheegay musuq-maasuqa.

Sida ilo wareedku sheegay, Dowladda Sucuudiga ayaa sheegtay in Amiir Faysal la sii daayay December 2017-kii kadib markii ay kula heshiisay in uu u gacan geliyo hanti uu lahaa, waxaana lagu soo rogay xanibaad dhanka safarka ah.

“ka sokow mowjado cambaareyn ah, dhaqanka sharci daradda ah ee masuuliyiinta Sucuudiga inta uu talinayo Maxamed bin Salmaan waa mid aan habooneyn,” ayuu yidhi, Michael Page oo ah ku xigeenka agaasimaha Bariga Dhexe ee HRW.

“Hadda waxaan Amiir Faysal ku dareynaa boqolaalka qof ee sharci-daradda loogu xiray Sucuudiga,” ayu yidhi Page.

“Xadhiga Amiir Faysal waxaa mar kale muujinayaa sida ay mas’uuliyiinta Sucuudigu u xushmad darreynayaan sharciga iyo baahida loo qabo in cadaaladdu shaqayso.”

HRW waxay sheegtay in Dowladda Sucuudigu ay xidhay saddex amiir bishii March ee sanadkaan, kuwaas oo ay ku jiraan Axmed bin Cabdulcasiis, Maxamed bin Nayef iyo wasiirkii arrimaha Dibadda ee la eryay bishii June 2017, kadib muddo dheer oo uu xabsi guri ku jiray.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this