Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Danab oo weeraray goob ay ku shirayeen xubno Shabaab ah iyo saraakiil lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar qorsheysan oo ciidamada sida gaarka u tababaran Danab ay ka fuliyeen duleedka degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Weerarka oo ahaa mid culus ayaa waxaa lagu qaaday deegaanka Carabow oo 50 KM u jira magaaladaasi, gaar ahaan goob uu shir uga socday saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo ah taliyaha guutada 16-aad ee Kumaandooska Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Danab oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in weerarkaasi ay khasaare xoogan ku gaasiyeen Al-Shabaab, islamarkaana ay gabi ahaan cagta mariyeen goobtii uu shirka ka socday, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu shaaciyey in howlgalkaasi ay ku dileen illaa saddex sarkaal oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, islamarkaana uu midkood ahaa Ajnabi ka soo jeeda dalka Maali, kaas oo uu magaciisa ku soo gaabiyey, Abuu Ayman.

Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa sidoo kale tilmaamay in labada kale ay yihiin Soomaali, islamarkaana ay dib ka soo sheegi doonaan magacyadooda.

Waxa kale oo hoosta ka xariiqay in weerarkan ay ku laayeen dagaalyano kale oo ka tirsanaa Al-Shabaab, walow uusan shaacin tiradooda.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ayaa howlgallo iyo dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab ka waday gobollada Jubbooyinka ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this