Sign in to follow this  
Deeq A.

Rag looga shakiyey Al-Shabaab & Daacish oo lagu qabtay Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Puntland oo howlgallo ka sameeyey magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa gacanta ku dhigay illaa saddex nin oo looga shakiyey inay ka tirsan yihiin kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgallada ayaa sheegay in raggaasi ay haatan ku socdaan baaritaano dheeraad ah, islamarkaana ay ka war sugayaan natiijada.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi ku daray inay sii wadi doonaan dhaq dhaqaaqyadaasi oo looga hortagayo falalka amaan dari ee mararka qaar ka dhaca halkaasi.

Maalin ka hor ayey sidoo kale markii Boosaaso lagu qabtay nolol iyo geeri rag hubeysan oo ka tirsan Daacish, kuwaas oo weerar ka geysan rabay gudaha magaaladaasi.

Magaalooyinka Puntland, sida Garoowe, Gaalkacyo iyo Boosaaso ayaa muddooyinkii dambe la dhigay ciidamo dheeraad, si loo adkeeyo amniga magaalooyinkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this