Sign in to follow this  
Deeq A.

Roobabkii da’ay magaalada Muqdisho oo sababay dhimasho iyo barakac

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ayaa ka soo baxaya khasaraha ka dhashay roobab mahiigaan ah oo xalay ka da’ay magaalada Muqdisho.

Roobabka oo geystay khasaare naf iyo maalba leh ayaa waxaa saameynta ugu daran ay ku yeesheen dadka danta-yar, gaar ahaan kuwooda barakcayaasha ah.

Wararka ayaa sheegaya in illaa labo qof ay ku dhinteen roobabkii xalay, kuwaas oo ku sugnaa degmada Wadajir, kadib markii uu ku soo dumay dhismo ay daganaayeen.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dad badan ay isaga barakaceen guryahooda, kuwaas oo deganaa Ceel-Qalow, Tarabuush iyo xaafada kale.

Dhinaca kale roobabkaan oo saacadihii la soo dhaafay si xoogan iga da’ay Muqdisho ayaa sameeyey wadooyinka waa weyn caasimada, kuwaas oo uu burbur soo gaaray.

Waxa kale oo jira gawaari fara badan oo godad ku dhacay, kadib markii ay biyuhu jareen jidad badan oo muhiim u ah shacabka.

Dhibaatada ugu daran ayaa waxaa wajahaya qoysaska barakayaasha iyo kuwa danta yar, kuwaas oo aan heysan meel ay kaga gabaadsanaa roobka iyo dhaxanta dhaceysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this