Sign in to follow this  
Deeq A.

Shakhsiyaad lagu tuhunsanyahay Daacish iyo Al-shabaab oo Boosaaso lagu qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso, ayaa sheegaya in Laamaha Amniga gobolka Bari ay xabsiga dhigeen ilaa saddex ruux, oo looga shakisanyahay malayshiyaadka Al-shabaab iyo Daacish.

Saraakiil ka tirsan hay’adaha Amniga, ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay saddex ruux oo looga shakisanyahay kooxaha Daacish iyo Al-shabaab, kuwaas oo lagu qabtay hawlgal ciidanku ka fuliyeen  Boosaaso.

Saraakiisha ayaa sheegaya, in baaritaan lagu wado saddexdaasi xubnood ee lagu tuhunsanyahay in ay ka tirsan yihiin kooxaha Argagixisada ah, inkastoo aysan weli soo bixin natiijada baaritaanka, islamarkaana aan si buuxda loo caddayn eedaymaha loo haysto.

Sidoo kale, maalin ka hor, Laamaha Amniga magaalada Boosaaso ayaa fashiliyay weerar ay soo qaadeen dableey hubaysan oo ka tirsana Daacish, kuwaas oo midkood ciidanku toogasho ku dileen, halka kii kale oo sarkaal sare ahaana dhaawac lagu qabtay.

Hawlgalkaas, ayaa sidoo kale lagu qabtay gaari miinaysan oo ay wateen dableyda, kaas oo laga soo buuxiyay hub iyo qaraxyo la doonayay in laga fuliyo gudaha Boosaaso.

PUNTLAND POST

The post Shakhsiyaad lagu tuhunsanyahay Daacish iyo Al-shabaab oo Boosaaso lagu qabtay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this