Deeq A. Posted May 10, 2020 Wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya oo soo saartay warbixinteeda maalinlaha ah ayaa shaacisay kiisas hor leh oo ah cudurka Covid-19. Warbixinta wasaaradda caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in dad gaaraya 57 qof laga helay xanuunka, kadib baaris lagu sameeyey. Sidoo kale wasaaradda ayaa sheegtay in 23 ka mid ah dadkaasi laga diiwaan-geliyey Muqdisho, Somaliland oo ah 17 iyo Puntland oo laga diiwaan-geliyey 17 qof. Ugu dambeyn wasaaradda ayaa warbixinteeda ku sheegtay in dhimashada ay tahay 3 ruux, taas oo tirada guud ee dhimashada Covid-19 ka dhigeysa illaa 51 qof. Tirada cudurka Coronavirus ee Soomaaliya ayaa haatan mareysa 1,054 kiis, iyadoo dadka ka bogsadana ay gaarayaan 118 qof, sida lagu sheegay warbixintii u dambeysay ee maanta ka soo baxday wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Somalia. View the full article Share this post Link to post Share on other sites