Sign in to follow this  
Deeq A.

Tababare Cali Xuseen “Kooxo Adag Ayaan Kula Ciyaarnay Boosaaso”

Recommended Posts

Deeq A.   

Degmada Bosaas ee xarunta Gobolka Bari waxaa afartii sano lasoo dhaafay ciyaaro saaxiibtinimo iyo is-dhaxgal bulsho ku yeelanayay dhallinyaro ka socotay magaalada Melbourne ee Dalka Australia iyo qaar ka mid ah kooxaha ka dhisan gobolka Bari,waxayna arintan dhiiri-gelin u noqotay dhallinyarada iyo bahda ciyaaraha deegaanada Puntland,iyagoo sheegay in ay qeyb weyn ka qaadanayso isu soo dhawaashaha labada dhinac.

0T8A3936.MOV.20_26_21_00.Still001-1024x5

Guddoomiyaha jaaliyada Soomaaliyeed ee Melbourne DR.Xuseen Xararkow ayaa u u mahad celiyay shacabka iyo bahda isboortiga degmada Bosaaso sida weyn ee loogu soo dhaweeyay degmadaas wuxuuna sheegay  2019 in ay ku soo aadeen xili roobaad oo aad u degan dhallinyarada ay ka heleyn.

 0T8A3892.MOV.20_21_38_00.Still001-1024x5

Tababaraha kooxda jaaliyada Soomaaliyeed ee Melbourne Cali Xuseen ayaa sheegay kooxihii ay kula ciyaareen degmada Bosaaso,ay dhallinyarada si wanaagsan ula qabsadeyn tan ay qeyb ka tahay is dhaxgalka bulshada ay kooxda Melbourne ku marayso maamulka Goboleedyada Soomaaliya

0T8A3891.MOV.20_21_28_15.Still001-1024x5

Taageerayaal badan ayaa sanadihii lasoo dhaafay ka qeyb galay kulamadii saaxiibtinimo ay deegaanada Boosaaso ku ciyaareen dhallinyarada Melbourne iyo xidigaha ka dheela deegaanada Maamulka Puntland,iyagoo sheegay in ay tahay  is dhaxgalka aad u wanaagsan oo labada dhinac  ah

0T8A4216.MOV.22_09_54_20.Still001-1024x5

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Is Dhaxgalka Ciyaartooyda Puntland Iyo Melbourne

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this