Deeq A. Posted May 10, 2020 Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in saacada soo socda Madaxweynaha HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare uu ku wajahan yahay magaalada Beledweyne ee gobolkaasi. Cali Jeyte ayaa tilmaamay inuu Madaxweynaha u kuur-geli doono xaaladda adag ee magaaladaasi oo laga cabsi qabo in markale uu ku fataho webiga Shabelle. Sidoo kale guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ayaa carabka ku dhuftay inay xabsiga dhigeen dad u shaqeeya NJO, islamarkaan si gaar ah uga faa’iideysanaya dhibaatada heysata shacabka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi. Halkan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Waare.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites