Deeq A. Posted May 10, 2020 Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo ka tirsan golaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa sheegay in isaga iyo Senator Iftin Xasan Baasto maanta laga celiyay garoonka Aadan Cadde, xilli ay ku sii jeedeen magaalada Kismaayo ee gobolka J/Hoose. Fartaag oo wareysi gaar ah siiyey Shabelle ayaa sheegay in sarkaal ka tirsan hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka uu ka soo dajiyey diyaaradii ay raaci lahaayeen oo siday Meydka allaha u naxariistee wasiirkii waxbashada Jubbaland, Macalin Maxamed Ibraahim oo Arbacadii la soo dhaafay ku geeriyooday isbitaal ku yaalla Hindiya. Sidoo kale Senator Fartaag ayaa ku eedeeyey in amarka diyaaradda looga reebay ay bixisay xukuumadda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar), sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyn wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in la siyaasadeeyo Meyd la qaadayo, iyada oo laga leeyahay dano gaar ah. Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/fa.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites