Deeq A. Posted May 10, 2020 Amar ka soo baxay maamulka isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu joojiyey dadka la jira bukaanada qaba cudurka Covid 19 ee ku jira isbitaalkaasi. Arrintaan ayaa waxaa durbo cabasho ka keenay qaar kamid ah dadkii la joogay bukaanada, kuwaas oo sheegay in xilligaan isbitaalka uu ka jiro dayac xooggan oo heesta bukuunada. Dadkaasi waxaa ka mid ah Cabduqaadir Xasan oo isbitaalka Martiini kula jira hooyadiis oo 70 sano jir ah ayaa sheegay inuu sameeyey go’aankaasi, wuxuuna carabka ku dhuftay inay ka xun yihiin amarka la dul-dhigay ee ka soo baxay maamulka sare ee isbitaalkaasi. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/ccc-1.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites