Sign in to follow this  
Deeq A.

Wadajir iyo Kaaraan oo caawa ku tartamaya Shabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan oo haatan maraya is-aragii 3-aad ee wareega koowaad ayaa waxaa caawa ku madlan Wadajir iyo Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Labada degmo ayaa sidoo kale ku wada jira group-ka A, wareega koowaad ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan

Wadajir ayaa labadii kulan ee hore kulan soo badisay, midna barbaro soo gashay, halka Kaaraan ay labadii kulan ee hore mid ay gashay barbaro, midna laga soo badiyey.

Dhinaca kale Xasan Weli Sheekh Abuubabar oo ah guddoomiyaha guddiga tartanka Shabelle oo ka warbixiyey kulanka caawa ee Wadajir iyo Kaaraan ayaa sheegay in dib loo durjiyey waqtiga uu barnaamijka soo gali jiray oo aheyd 9:00 habeenimo, wuxuuna tilmaamay in caawa laga bilaabo uu tartanka soo galayo 10:05 daqiiqo, kadib talooyin ka yimid degmooyinka sanadkan ka qeyb galaya tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Sanadkaan taaba-gelinta tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this