Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Meydka wasiirkii waxbarashada Jubbaland oo laga dajiyey Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa goor dhow garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo laga dajiyey Meydka wasiirkii waxbarashada iyo tacliinta sare ee maamulka Jubbaland,Macalin Maxamad Ibraahim Maxamuud oo Arbacadii la soo dhaafay ku geeridooday isbitaal ku yaalla wadanka Hindiya.

Madaxweynaha Jubbaland, ku xigeenadiisa, mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi iyo shacab ayaa tegay garoonka Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo laga dajiyey Meydka.

Marxuumka ayaa saacadaha soo socdo lagu aasi doonaa duleedka magaalada Kismaayo, gaar ahaan Qabuuraha Baar Caleen, halkaas oo Salaada Janaasada lagula tukan doono.

Macalin Maxamad Ibraahim Maxamuud oo muddo afar bilood ah xaalado caafimaad u joogau Hindiya ayaa Arbacadii ku geeriyooday dalkaasi.

Marxuumka ayaa ka mid ahaa wasiirada saameynta leh ee Jubbaland, wuxuuna saaxib dhow la ‘ahaa Madaxweyne Axmed Madoobe.

96234013_2900178926733063_86183250044313 96581892_4528003610550487_87384178820749 95540319_4528003670550481_46215082951007

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this