Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaano Iyo Wasiirro Ka Tirsan Maamulka Puntland Oo Laga Helay Cudurka Halista Ah Ee Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Garoowe)-Maamul Gobolleedka Puntlad ayaa shaacisay in dad Cusub oo qaba Cudurka halista ah ee Coronavirus laga helay deegaano ka tirsan Maamulkaas oo kiisas hore laga diiwaan-geliyay.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdinaasir Yuusuf Xaaji oo warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa waxaa uu sheegay inay korodhay Tirada dadka laga helayo xanuunka COVID-19 iyo kuwa u geeriyooday.

Wasiirka ayaa cadeeyay in saacadihii lasoo dhaafay laga baadhay Cudurka 24 qof, isla markaana laga helay 17 Qof, kuwaasi oo baadhitaano la sameeyay lagu ogaaday inay qabaan xanuunka.

Sidoo kale Wasiir Cabdinaasir ayaa waxaa uu Carabka ku dhuftay in Dadka laga helay Cidurka uu ku jiro hal Wasiir iyo hal Xildhibaan oo ka tirsan Puntland, uuna geeriyooday hal qof.

Meelaha ay kala joogaan dadka laga helay Cudurka ayaa kala ah:

Boosaaso 5

Qardho 5

Waaciye 3

Garowe 2

Galkacyo 2

Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa sheegay in tirada guud ee xaaladaha COVID-19 Puntland  laga diiwaan geliyay ay noqonayso 76 halka saddex  qof ay u geeriyoodeen xanuunka halista ah ee Coronavirus.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this