Sign in to follow this  
Deeq A.

Safiirkii Soomaaliya ee Masar oo geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa maanta dalka Kuwait ku geeriyooday safiirkii Soomaaliya u fadhiyey wadanka Masar iyo Jaamacadda Carabta, Cabdiqani Maxamed Waceys, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Danjire Waceys oo muddooyinkii la soo dhaafay xanuunsanaa ayaa u geeriyooday cudurka Sokorowga, sida ay xogta ku heshay Caasimada Online.

Sidoo kale marxuumka ayaa muddo dheer soo ahaa diblumaasi ka soo shaqeeyey arrimaha dibadda iyo wadamo badan, sida dalka Libiya.

Cabdiqani Maxamed Waceys oo sidoo kale waayo arag ahaa ayaa shaqo bilaabay sanadkii 1970-kii.

Allaha u naxariistee marxuumka ayaa ka mid ahaa safiiradii dhowaan loo yeeray, balse ma uusan saameyn is-bedalladii ay sameysay dowladda federaalka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this