Deeq A. Posted May 10, 2020 Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal khasaare geystay oo xalay ka dhacay xaafadda Kaawo-Godey dhinaca degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu u dhexeeyey ciidamo loo yaqaano Macawiisley iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad oo garab ka helaya Boolis. Inta uu socday dagaalka oo qaatay muddo hal saac ah ayaa waxaa la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoona ay baqdin soo food-saartay dadka deegaanka. Ugu yaraan 2 askari ayaa ku dhintay dagaalkaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen 7 kale oo isugu jiray dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah. Qof ka mid ah deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyey khasaaraha guud iyo sida ay wax u dhaceen. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Cod-KAAWA-GODEY.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites