Deeq A. Posted May 10, 2020 Degmooyinka Howlwadaag iyo Dharkenley ayaa xalay ku baratamay tartan aqooneedka shabakadda warbaahinta Shabelle ee bisha barakeysan ee Ramadaan. Labada degmo oo ku wada jiray group-ka A, wareega koowaad ee tartanka ayaa waxaa lagu bilaabay is-araga saddexaad ee tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle. Tartanka oo ahaa mid adag ayaa waxaa qeybaha dambe isaga baxay tartamayaasha degmada Dharkenley oo cabasho ka keenay su’aal la weydiiyey, balse waxa ay ku xadgudbeen shuruucda u taalla barnaamijka, iyaga oo diiday inay sii wataan tartanka. Xasan Weli Sheekh Abuubakar oo ah guddoomiyaha guddiga tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan oo ku dhawaaqay go’aanka ugu dambeeya ayaa shaaciyey inay guushu raacday degmada Howlwadaag, islamarkaana laga badiyey Dharkenley. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/ccc.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites