Deeq A. Posted May 10, 2020 Ra’iisul wasaaraha XF Xasan Cali Khayre ayaa wasaaradda maaliyadda faray fududeynta kharashaadka ku baxaya dadaallada looga hortagayo fatahaadda Beledweyne ee wadajirka ay u wadaan shacabka iyo dowladda, si looga baajiyo fatahaad ku soo rogmata magaaladaasi.. Ra’iisul wasaaraha oo warbixin faah-faahsan ka dhageystay guddi hoosaadka ka hor tagga fatahaadaha ayaa dhammaan qeybaha kala duwan ee bulsahda ugu baaqay in xoogga la iskugu geeyo ka hortago fatahaadda oo aan la sugin waxyeellada. Dadaallada iminka socda ayaa isugu jira Carro-tuur lagu sameynayo meelaha uu jiinka webiga ka jilicsan yahay, iyada oo la isticmaalayo agab u adkeysan kara biyaha muddo fog iyo furista kanaallo yar yar oo qeyb ka qaadan kara hoos u dhigidda biyaha webiga, arrinkaan ayaa ka dhashay qiimeyn lagu sameeyay goobaha uu webigu ka fataho iyo cabbirka biyaha ay xilli roobaadkan gaari karaan. Guddiga ayaa sheegay in diyaarado lagu daabulayo agab dheeraad ah oo loogu tala galay in biyaha looga celiyo magaalada Beledweyne, si ay u guuleystaan dadaallada iyo iskaashiga shacabka iyo dowladda, looguna gogol xaaro hannaan ay bulshadu cabsi la’aan ugu noolaan karto magaalada. Dowladda federaalka ah ayaa dhowaan soo bandhigeysa qorshe ballaaran oo xal waara loogu raadinayo fatahaadaha soo laalaabta ee ka dhasha webiyada iyo roobaka kuwaas oo sannad waliba dhibaata xaddigeedu ballaaran yahay gaarsiiya qaybo ka mid ah dalka View the full article Share this post Link to post Share on other sites