Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Qofkii saddexaad oo u geeriyooday Karoona iyo kiisas cusub oo la diiwaan geliyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Puntland ayaa sheegtay in qof saddexaad uu u dhintay Covid-19, sidoo kale ay korortay dadka laga helay xanuunkaas.

Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Puntland Abdinaasir Yusuf Xaaji oo caawa warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maanta la baaray 24 ruux, xanuunkana laga helay 17 qof oo rag ah oo ay ku jiraan hal Wasiir iyo hal Xildhibaan oo ka tirsan Puntland.

Sidoo kale Wasiirka ayaa xusay in qofkii saddexaad uu Puntland maanta ugu geeriyooday Covid-19, kaas oo ku sugnaa degamada Waaciye ee gobolka Karkaar.

Dadka 24 saac ee la soo dhaafay laga helay xanuunka Covid-19 ayaa 5 kamid ah ku sugan yahiin Qardho, 3 kamid ahna Waaciye, halka mid 2 qof ay ku kala nool yihiin Garowe iyo Gaalkacyo, waxaana dadkaas da’doodu u dhaxaysaa 20 ilaa 65 jir.

Tirada guud ee xaaladaha Covid-19 Puntland laga diiwaan geliyay ayaa noqonaysa 76 kiis, halka saddex qof ay u geeriyoodeen xanuunka, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Puntland.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa si xowli ah u sii kordhayay kiisaska Covid-19 ee laga helayo gudaha Puntland.

PUNTLAND POST

The post Puntland: Qofkii saddexaad oo u geeriyooday Karoona iyo kiisas cusub oo la diiwaan geliyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this