Sign in to follow this  
Deeq A.

Tiro hoobiyeyaal ah oo lagu weeraray Xalane

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan illaa saddex madfac ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhaceen agagaarka xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in hoobiyeyaasha qaarkood ay ku hoobteen xaafadaha ku dhow xarunta taliska ciidamada AMISOM ee Xalane.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi loo adeegsaday madaafiicda.

Waa markii saddexaad oo hoobiyeyaal lagu weerarayo xarunta Xalane, tan iyo markii la guda galay bisha barakeysan ee Ramadaan.

Al-Shabaab ayaa inta badan sheegta weerarada lagu qaado xeeradaasi oo ay wax ka dagan yihiin safaarado iyo hay’ado caalami ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this