Deeq A. Posted May 9, 2020 Ugu yaraan illaa saddex madfac ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhaceen agagaarka xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in hoobiyeyaasha qaarkood ay ku hoobteen xaafadaha ku dhow xarunta taliska ciidamada AMISOM ee Xalane. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi loo adeegsaday madaafiicda. Waa markii saddexaad oo hoobiyeyaal lagu weerarayo xarunta Xalane, tan iyo markii la guda galay bisha barakeysan ee Ramadaan. Al-Shabaab ayaa inta badan sheegta weerarada lagu qaado xeeradaasi oo ay wax ka dagan yihiin safaarado iyo hay’ado caalami ah. View the full article Share this post Link to post Share on other sites