Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Silvia Romano oo laga soo furtay Al-Shabaab, kuna sugan Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online – Silvia Constanca Romano, oo ah haweeney samafalka ka shaqeysa, oo bishii November ee 2018 laga soo afduubtay dalka Kenya, laguna haystay Soomaaliya, ayaa lasii daayey.

Ra’iisul wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ku shaaciyey sii deysmada Silvia, isaga oo u mahad-celiyey sirdoonka dalka Talyaania.

Wargeyska La Repubblica ee Talyaaniya ayaa qoray in sii deysmada Silvia ay muddo ka shaqeynayeen sirdoonka Talyaaniga oo kaashana kuwa Soomaaliya iyo Turkiga.

Silvia ayaa waxaa haystay koxoda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya oo kasoo qafaalatay deeganaka Chakama ee County-ga County ee dalka Kenya, November 2018.

Sida wargeyska uu qoray, waxaa lagu soo furtay howl-gal xalay ka dhacay meel 30 km u jirta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana hadda ay ku sugan tahay magaalada Muqdisho.

Silvia ayaa la filayaa in berri ay u duusho dalka dalka Talyaaniga, sida aan xogta ku helnay.

“Waxaan ahaa qof xooggan, waan iska caabiyey, waan fiicanahay mana sugi karo inaan dalkayga kusoo laabto,” ayey tiri Silvia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this