Deeq A. Posted May 9, 2020 Wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya oo soo saartay warbixinteeda maalinlaha ah ayaa shaacisay kiisas hor leh oo ah cudurka Covid-19. Warbixinta wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in dad gaaraya 69 qof laga helay xanuunka, kadib baaris lagu sameeyey. Sidoo kale wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in 39 ka mid ah dadkaasi laga diiwaan-geliyey Muqdisho, Somaliland oo ah 11, Koonfur Galbeed oo 8 ah, Hirshabelle oo iyana laga diiwaan-geliyey laba ruux iyo Galmudug oo ah 1 qof. Ugu dambeyn wasaaradda ayaa warbixinteeda ku sheegtay in dhimashada ay tahay 4 ruux, taas oo tirada guud ee dhimashada Covid-19 ka dhigeysa illaa 48 qof. Tirada cudurka Coronavirus ee Soomaaliya ayaa haatan mareysa 997 kiis, iyadoo dadka ka bogsadana ay gaarayaan 110 qof, sida lagu sheegay warbixintii u dambeysay ee maanta ka soo baxday wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites