Deeq A. Posted May 9, 2020 Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ay saaka rag hubeysan ku qaadeen sarkaal ka tirsan dowladda oo ku sugnaa xaafadda Seybiyaano ee M/Muqdisho. Sarkaalka la weeraray oo ilaalo ka ahaa suuqa Caanaha ee Seybiyaano ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay Mahad Dollar. Wararka ayaa sheegaya inuu weerarkaasi ku dhaawacmay mid ka mid ah askartii ilaalada u aheyd sarkaalkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ragga weerarka fuliyey oo gaarayey illaa saddex, mid ka mid ah isaga oo dhaawac ah gacanta lagu dhigay. Qof goobjooge ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey, sida ay wax u dhaceen. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Cod-Goobjooge-.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites