Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu yahay xannuunka u dheer Soomaalida UK murugada iyo geerida fayraska corona?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muxuu yahay xannuunka u dheer Soomaalida UK murugada iyo geerida fayraska corona?Khadiija Maxamed Cali Kaar

Khadiija Maxamed Cali Kaar

Murugada iyo tiiraanyada ay huwan tahay geerida qofka aad jeceshay aabe, hooyo, sey, xaas, walaal, ehel ama saaxiib waa mid ka mid ah waxyaabaha qofka soo wajaha, balse hadda waxyaabaha aafada fayraska corona uu sababay ayaa ah inaanay suurtagal aheyn inaad hareer joogto ama aad macasalaamo tiraahdo.

Xaqiiqda dhabta ah ee jirta ayaa ah in ujeedadu tahay sidii qof kasta looga illaalin lahaa fayraska, kuwa aadka cudurka ula ildaran waxaa xannuunka ugu sii daran inaanay awoodin in qoyskoodu aanay la joogi karin, kuwa dhintayna waxaa adag in sidii hore looga qayb galo aaskooda.

Soomaalida boqolaalka kun ah ee ku nool UK waxay ka mid yihiin bulshooyinka sida ba’an uu saameeyey cudurku, inkastoo tiro koob dhameystiran aan loo hayn haddana dadka Soomaaliyeed ee cudurka u geeriyooday waxaa lagu qiyaasayaa ku dhawaad 40.

Qoysaska ay dadkaasi ka baxeen wax aysan ku maqlin sheeko iyo shaahid ayuu covid19 uga tagay waa dadkoodii oo la aasay xittaa iyagoon wajigooda arag.

Muniir Maxamed Xaaji Maki oo 23 sano jir ah iyo Aabihiis Maxamed MakiMuniir Maxamed Xaaji Maki oo 23 sano jir ah iyo Aabihiis Maxamed Maki

Muniir Maxamed Xaaji Maki oo 23 sano jir ah Aabihiis Maxamed Maki wuxuu ka mid ahaa dadka 30-ka kun ka badan ee cudurka u geeriyooday, isagoo ka hadley waxa aan qalbigiisa iyo tan qoyska ka go’i karin ee dhimashada Aabihiis u dheer wuxuu yiri;

“Aabahay wuxuu Isbitaal ku yaal London ku jiray in ku dhow 4 todobaad, muddadaas aniga , hooyadey iyo toddobada caruurta ah ee ila dhalatay ma aynan arki karin aabaheen oo xannuunsan, cunto xittaa uma aynan geyn karin, waxa kaliya ee xaaladiisa inooga warami jiray waxay ahaayeen dhakhaatiirta”

Murugadii ugu darneyd.

“Markii naloosha soo sheegay geeriday Aabahey 8-dii April, waxaa naloo sheegay inaan diyaarsano aaskiisa, waxaa naloo sheegay inaynu arki karin, markii aan diyaarinay aaskiisa oo ay sameynay qolyaha ka shaqeeya aaska dadka, waxay naga diideen inaan aragno, markii la dhaqayey maydkiisa ayaa sawir laga soo qaaday la istusay, ka diba Aabe sidaas ayaan ku aasnay”

Munir wuxuu kaloo sheegay in isaga oo kaliya uu ahaa qofkii ka socday shantii qof ee loo ogolaaday aaska Aabihiis, isagoo arrintaasi ka hadlaya wuxuu hadalkiisa ku daray;

“Aabahay oo jaceyl iyo naxariis nagu soo koriyey ILAAHAY wuxuu qadaray in anigoon arkin wajigiisa aan duugno, tani ma noqon doonto wax aniga iyo qoyskeenna qalbigooda ka go’i doonta”

Injineer Baana Cali oo isagoo ka soo qaxay dagaaladii ka dhacay Soomaaliya soo galay London ayaa waqtigiisii wuxuu cudurka covid19 u geeriyooday 28-kii April.

Injineer Baana CaliInjineer Baana Cali

Baana oo ka mid ahaa xiddigii kubadda koleyga Soomaaliya wuxuu muddooyinkii ugu dambeeyey ku hawlanaa dib u soo nooleynta ciyaaraha kubadda koleyga, isagoo ka mid ahaa masuuliyiinta sar sare, waxaa kale oo uu Baana ka shaqeyanyey hay’adda gaadiidka dadweynaha London qaybta tareenada oo uu ka ahaa maamule sare.

Xaaskiisa Muna oo ay isku dhaleen afar caruur ah ayaa iyadoo ka hadlaysay tiiraanyadeeda waxay ku sifaysay saygeeda “Aabe la jecel yahay”, iyo “Shakhsi bini’aadamtinimadu ku weyneyd qalbi wanaagsanna lahaa”.

Waxay intaasi ku dartay “Ma aanan waayin nin aan jeclaa oo kaliya, balse waxaan waayey deeqsi, shakhi dadka ka tilmaamnaa, kaasi oo ahaa lafdhabarka qoyska, inta aan noolahay waan xusuusan doonaa, waxaan illaalin doonaa xusuustiisa iyo wanaagiisii, waligey ma ilaawi doono”

Muna geerida saygeeda waxaa u dheer in Covid19 sidoo kale uu dilay Aabaheed iyo adeerkeed.

Khadiija Maxamed Cali Kaar (Baarcad) oo aheyd 60 sano jir waxay London ugu geeriyootay cudurka covid19, booqasho qoys ayay u timid halkan laakiin waxaa ka qodnaa godkeeda, waxay qabtay xanuun wadnaha oo ay qalliin looga sameeyey.

Inkastoo Khadiija geerideedu ka duwanyd tan Soomaali badan maaddaama ay ku geeriyootay guri haddana waxay marna laba naxdin u aheyd qoyskeeda marna waxoogaa nasiib aanay helin dad badan oo aan arag dadkoodii saacadihii ugu dambeeyey nolashooda.

Cabdalla Maxamed Cali-Kaar (Cabdalla Nairobi) oo ay walaalo ahaayeen Khadkiija, ayna ku geeriyootay gurigiisa, wuxuu BBC-da u sheegay in naxdintii geerida walaashiis ay xitaa saameyn ku yeelatay qoyska oo dhan oo ay ilmihiisu ku jiraan ,maaddaamma si kadis ah ay ugu dhex geeriyootay guriga.

A mourner watches as the coffin is lowered into the ground during the funeral in the Eternal Gardens Muslim Burial Ground, Chislehurst of Ismail Mohamed AbdulwahabWaxaa lagu aasay xabaalaha Muslimiinta ee Eternal Gardens

“Walaashey xannuun badan lama kulmin, waxoogaa ayay dareentay hargab waxay bilowday inay qufacdo, markii aan damcay inaan Isbitaalka wado way iga diiday oo waxay igu tiri “Ma rabo adinkoon ila joogin inaan geeriyoodo, guriga ayaan joogayaa ee yaan la igeyn Isbitaal”, ka dib way seexatay, waxaan u haysanay inay jiifto, dhawr saacadood markii ay qolka ku jirtay ayaan shakiyey inaan la hadlo ayaan damcay balse waxay aheyd meyd”

“Inagoo oohin iyo naxdin ku jirna ayaan wacnay qaybta xaaladda deg deg ah, waxaa inoo timid Ambulance iyo Booliis ka dib baaritaan ayay ku sameeyey walaashey, waxay inoo sheegeen inay geeriyootay oo ay geynayaan qaybta meydka ee Isbitaalka, isla markaana aan diyaarsano qaabkii loo aasi lahaa, xilligaas habeen ayuu ahaa magaaladu way kala xirneyd xaallad adag ayeynu galnay iyo inaan raadino aaskii, qoladii aaska waxay inoo sheegeen in xabaal wadareed oo kaliya ay ku aasi karaan maadaama aanay hayn qabuuro ku filan dhamaan meydadka, laakiin taasi waan diidanay qolo kale ayaan maalmo ka dib helnay, waxay nagu qaadatay ku dhawaad 10 maalmood inaan walaasheen u helno qabri” ayuu hadalkiisa sii ku daray.

“Nasiib waxaan ku lahaa walaashey aniga oo kaliya ayaa wajigeeda la i tusay qoyskeenna oo dhan xitaa ilamaheeda, laakiin ugu dambeyn walaashey Khadiija si fiican oo aan ku qanacsaneyn ayaan u aasnay ILAAHAY ha u naxariisto ayuu yiri Cabdalla.

Warsame Maxamed Geedi iyo Saynab Mahdi CabdulleWarsame Maxamed Geedi iyo Saynab Mahdi Cabdulle

Warsame Maxamed Geedi oo loo yaqaan Xiddig xaaskiisii Saynab Mahdi Cabdulle oo ay isku dhaleen shan caruur ah waxay u geeriyootay Covid19. Si la mid ah qoysas badan waxaa wehel u noqday geeri iyo xannuun qalbiga taabtay, isaga iyo caruurtooda sidii Saynab isbitaalka loogu qaaday hal marna ma aysan akrin, waxa kaliya ee isagu uu dul istaagay waa aaskeedii ka dib 3 todobaad oo ay Isbitaal kaligeed ku aheyd.

“Tobankii maalmood ee ugu horreeyey waxaan kala hadli jirnay telefoonka, laakiin markii la galiyey qaybta koomada ama xaaladda deg deg ah, hadalkeeda ma aynan maqal, waxa kaliya ee akhbaarteeda aynu ka heli jirnay dhakhaatiirta oo 24-kii saacba mar ina soo wici jiray” ayuu yiri Warsame.

A prayer is said at the funeral in Chislehurst of Ismail Mohamed Abdulwahab, 13, from Brixton, south London,Salaadda janaasada ayaa lagu tukaday iyadoo ay dadka kala fogyihiin si cudurkan uusan u faafin

Maalintii murugada

“Ku dhawaad 2 asbuuc oo ay ku jirtay koomo subaxii dambe ayaa waxaa isoo wacay dhakhtar wuxuu ii sheegay in xaaladda Saynab ay ka dartay, aysana jirin rajo ah inay sii noolaato, 6 saac ka dib waxaa laga iga soo wacay Isbitaalka, waxaa la ii sheegay warkii aniga iyo caruurteenna ugu naxdinta badnaa oo ahaa in Saynab ay geeriyootay” ayuu Warsame hadalkiisa raaciyey.

“Muruga kale waxay aheyd inaan aniga iyo ilmuhu hareer joogin geerideeda, in qoyska oo dhan aanay tagi karin aaskeeda, oo dad yar loo ogol yahay, taasina waxay aheyd xannuun kale, balse anagoo aamisan qadarta ALLE waan samirnay, Saynab-na waan duugnay, ILAAHAY ha u naxariisto” ayuu Warsame hadalkiisa ku soo koobay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this