Deeq A. Posted May 9, 2020 Waxaa caawa tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle ku ballansan, islamarkaana isaga hor imaan doono degmooyinka Wadajir iyo Howlwadaag ee gobolkaan Banaadir. Labada degmo oo ku wada jira group-ka A, wareega koowaad ee tartanka bisha Ramadaan ayaa sidoo kale waxa ay bilow u yihiin is-araga 3-aad ee tartanka. Wadajir ayaa labadii kulan ee hore mar soo badisay, midna barbaro soo gashay, halka Howlwadaag ay labadii kulan ee hore mid ay gashay barbaro, midna laga soo badiyey. Sidoo kale waxaa xusid mudna in lugtii u dambeysay ee is-araga labaad Wadajir ay soo garaacday dhiggeeda Howlwadaag oo ay markale caawa isku beegan yiihiin. Taaba-gelinta sanadkaan tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan waa dalada Soomaali Forex Association ee loo soo gaabiyo (SOFA), halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University ee M/ Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites