Deeq A. Posted May 9, 2020 Taliyaha Booliska, qeybta gobolka Bari ee Puntland, G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa ka warbixiyey howlgal ciidanka amniga ay ka sameeyeen magaalada Boosaaso G/Sare Xuseen Cali ayaa sheegay in howlgalkaasi oo ahaa mid qorsheysan lagu soo qabtay walxaha qarxa, hub iyo raggii watay, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xilliga la qabanayey raggaasi hubeysnaa ciidamadu ay wadeen howlgallo roondo ah, islamarkaana uu labada dhinaca dhex-maray iska hor imaad lagu dilay mid ka mid ah kooxdaasi, halka mid kalena isagoo dhaawac la qabtay. Muddooyinkii la soo dhaafay Booliska Puntland ayaa howlgallo amniga lagu xaqiijinayo ka waday magaalooyinka Garoowe, Gaalkacyo iyo Boosaaso ee maamulkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites