Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo bogaadiyay Ciidankii fashiliyay weerarkii Argagixisada Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo muuqaal laga soo duubay isagoo ku sugan magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, ayaa bogaadiyay hawlgalkii lagu fashiliyay weerarkii Argagixisada Daacish ay doonayeen in ay ka fuliyaan gudaha Boosaaso.

Madaxweynaha, ayaa u mahadceliyay Laamaha Amniga gobolka Bari, oo Sabtida maanta ah fashiliyay weerarkaas Argagixiso ee ay soo qaadeen xubno ka tirsan Daacish, kuwaas oo watay gaari hub iyo qaraxyo ka buuxaan, islamarkaan doonayay in ay weerarro iyo qaraxyo ka gaystaan Boosaaso.

Madaxweyne Deni, ayaa sheegay in kooxaha Argagixisada ah uu wakhtigooda dhammaaday, balse ay isku dayayaan in ay khalkhal gelin ku sameeyaan shacabka, si ay cabsi ugu abuuraan, taasina aysan u suurta-geli doonin.

Sidoo kale, wuxuu shacabka Puntland meel kasta oo ay joogaan ugu baaqay, in ay ka qayb qaataan cirib-tirka malayshiyaadka Argagixisada ah ee Daacish iyo Al-shabaab, oo sida madaxweynuhu sheegay wakhtigoodu gabaabsi yahay.

Halkaan ka daawo hadalkiisa

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo bogaadiyay Ciidankii fashiliyay weerarkii Argagixisada Daacish appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this