Sign in to follow this  
Deeq A.

Gaari ay la socdeen shacab oo lagu rasaaseeyey Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa lagu soo warramayaa in maanta gaari ay la socdeen dad shacab ah AY ku rasaaseeyeen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in falkaasi uu ku dhaawacmay wiil dhalinyaro ah oo saarnaa gaariga la rasaaseeyey oo marayey agagaarka xarunta INJI ee magaaladaasi.

Illaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dhacdadaasi, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha amniga ee magaalada Dhuusamareeb.

Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana wiilka dhalinyarada ah ee dhaawacmay la dhigay isbitaalka guud ee magaaladaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this