Sign in to follow this  
Deeq A.

Malayshiyaad hubaysan oo weeraray gaadiidkii Gurmadka Gardafuu

Recommended Posts

Deeq A.   
sawir-hore-1.jpg?w=1000&ssl=1Sawirkan waa mid hore maaha maanta

Malayshiyaad hubaysan oo u dhashay degaanka, ayaa maanta oo Sabtiya nawaaxiga degmada Baargaal ku weeraray, gaadiid waday agab dhisme oo loogu tala-galay in lagu dhiso waddooyin ku yaalla gobolka Gardafuu, kuwaas oo ku burburay Roobabkii kal-hore halkaasi ka da’ay.

Malayshiyaadkaas, oo la sheegay in ay ka caraysan yihiin musuq maasuq ay sheegeen in uu sameeyay guddigii gurmadka Gardafuu, ayaa markii hore xoog kula wareegay gaadiidka, waxaase dib uga soo celiyay odyaasha degaanka, kadib wada-hadal lala furay kooxdii gaadiidka af-duubtay.

Sidoo kale, hal qof ayaa ku dhaawacmay weerarkii malayshiyaadka hubaysan ku qaadeen gaadiidka waday agabka dhisme ee loogu tala-galay dib u-dayac-tirka waddooyinka gobolka Gardafuu ee ku burburay Roobabkii kal-hore ka da’ay gobolkaas.

Malayshiyaadka degaanka ayaa laga soo xigtay  in ay aaminsan yihiin in gurmadkii loogu tala-galay gobolka Gardafuu ay musuq maasuqeen guddigii u xil-saarnaa inkastoo aysan Puntland Post caddayn Karin sheegashadaas.

PUNTLAND POST

The post Malayshiyaad hubaysan oo weeraray gaadiidkii Gurmadka Gardafuu appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this