Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Amniga Galmudug oo weerar culus ku qaaday taliyihii booliska Dhuusamareeb ee Xalay is casilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wasiirka Amniga gudaha ee maamulka Galmudug Axmed Macalin FIqi sidoo kalana ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay is casilaada Taliyihii Booliska ee Magaalada Dhuusamareeb Burhaan Axmed oo Xalay is casilay.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay inay Galmudug kasoo gudubtay waqitigii kooxeysiga, wuxuuna taliyaha ku eedeeyey inuu weli ku dhagan yahay fikirkii kooxdii Ahlu Sunna.

Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay inuu taliyaha yahay sarkaal aan aqoonsaneyn maamulka uu u shaqeeyo oo uu u yaqaano Al-Shabaab, isagoo ku eedeyey inuu rabo inuu isku noqdo Askari wax soo qabta, garsoore wax eedeeya iyo qaali xukunka rida sida uu hadalka u dhigay.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Wasiir Fiqi soo dhigay bartiisa Facebook

Habeenka xilliga uu mugdigiisu ugu badan yahay waa waqtiga ka horeeya waaberiga! Galmudug maalmahaan waxay ku jirtaa daqiiqadaha ka horeeya inta uusan waagu beryin.

Waxaa gabaabsi sii ah oo gebagebo ku dhow baaqigii ka haray waqtigii fowdada iyo kooxaysiga!..

Lama arag askari ama sarkaal inkirsan maamulkii uu la shaqaynayey una yaqaan kuwo Alshabaab la shaqeeya, kaasoo isku ah; askari wax soo qabta, garsoore wax eedeeya iyo qaali xukun rida..

Sarkaalka ama askariga inta aan shaqo loo dirin ka hor waa In la soo baraa shuruucda ciidanka. Sharcigana looma qaloocin karo dhanka waxa aad aaminsanayd inta aadan askari noqon oo ah dadka kaa aragtida duwan oo dhan in aad ku dhejiso shaabad seeko ah oo alshabaabnimo.

Ma dhacayso in ciidamanimada ama derajooyinka ciidanka loo adeegsado In lagu fushado dano ka baxsan kuwii la isku igmaday!.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this