Sign in to follow this  
Deeq A.

Boosaaso: Ciidamada Puntland oo fashiliyay weerar Argagixiso

Recommended Posts

Deeq A.   
hubka-laga-furtay-Daacish.jpg?w=1000&sslAgab laga qabtay Daacish

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa sheeegaya in halkaas uu maanta ka dhacay iska hor-imaad kooban oo dhexmaray Ciidamada Amniga Puntland iyo malayshiyaad ka tirsan Argagixisada Daacish.

Dableey hubaysan oo ka tirsan Daacish, ayaa bartamaha magaalada Boosaaso ku weeraray askar ka tirsan Ciidanka PSF ee Puntland, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor-imaad kooban oo khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ciidan.

Inta la xaqiijiyay, hal askari oo ciidanka PSF ah iyo xubin ka tirsan malayshiyaadka Daacish, ayaa ku dhintay iska hor-imaadka, waxaana nolosha lagu qabtay xubin kale oo Daacish ah, kadib markii uu dhaawacmay.

gaariga-on.jpg?w=1000&ssl=1Gaariga laga qabtay Daacish

Sidoo kale, ciidanka PSF ayaa gacanta ku dhigay gaari ay wateen kooxda Argagixisada Daacish, kaas oo ay ku jiraan hub iyo qaraxyo ay doonayeen in ay ka fuliyaan gudaha magaalada Boosaaso.

PUNTLAND POST

The post Boosaaso: Ciidamada Puntland oo fashiliyay weerar Argagixiso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this