Deeq A. Posted May 9, 2020 Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland ayaa xaqiijisay in kiisas cusub oo Coronavirus ah laga helay deegaannadooda halka sidoo kale ay korortay tirade dadka u geeriyoonaya xanuunkaan. Agaasimaha wasaaraddaasi Dr Maxamed Xergeeye oo goor dhow warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in 11 qof ooh or leh laga helay safmarka COVID-19 waxa uuna intaas ku daray in hal qof oo ka mid ah uu xanuunka u geeriyooday. Tirada guud ee haatan laga xaqiijiyay deegaannada Soomaaliland ee Coronavirus ayaa ah 34 kiis halka 4 qof ay xanuunka u geeriyoodeen waxaana sida ay wasaaradda caafimaadka xaqiijisay cudurka ka bogsaday 3 qof. Guud ahaan Soomaaliya waxaa cudurkaan uu ku dhacay 928 halka ay u geeriyoodeen 44 qof, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites