Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo 3 qodob ka dalbaday Israel kahor inta aysan ku darsan Daanta Galbeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Qudus (Caasimada Online) – Maraykanku waxaa uu diyaar yahay in uu Daanta Galbeed u aqoonsando dhul ay leedahay Isrell todobaadyadda soo socda, sida uu sheegay Safiirka Maraykanka ee Israel David Friedman.

Wareysi uu siiyay wargeys laga leeyahay Israel oo lagu magacaabo Israel Hayom ayuu Friedman ku sheegay in mar horse loo baahan yahay dhowr tallaabo inay qaado Israel ka hor aqoonsiga.

Wareysigaan waxaa uu bixiyay xilli ay ku beegnayd sanad guuradii 2-aad ee kasoo wareegtay markii safaaradda Maraykanka laga raray Tel Aviv ee la geeyay Qudus.

“Washington ma qorsheyneyso in shuruudo cusub kusoo rogto tallaabadaan,” ayuu yiri.

Freidman ayaa sheegay in Maraykanku uu aqoonsan doono in Daanta Galbeed ay ka tirsan tahay Israel, haddii Israel ay sameyso saddexdan talalabo.

1 – In la dhameystiro naqshadeynta qariiradda cusub ee Israel oo ay ka muuqato Daanta Galbeed.

2 – Israel ay joojiso deegaameynta goobaha cusub ee aaga loo yaqaan “C”.

3 – Iyo in Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ogolaado in uu Falastiiniyiinta kula xaajoodo qorshaha nabadda ee Maraykanka, taas oo mar hore uu Netanyahu ogolaaday.

“Ma ahan Maraykanka cidda madax banaanida ku dhawaaqaysa ee waa Israel. Markii ay ku dhawaaqdana Maraykanku diyaar ayuu u yahay in uu aqoonsado” ayuu yiri safiirku.

Israel waxaa la filayaa in Daanta Galbeed ay dhulkeeda ku darsato 1-da July, sida ay isku raaceen Netanyahu iyo madaxa xisbiga Blue and White Benny Gantz, oo hadda wada dhisay Dowlad wadaag ah.

Sidoo kale guddi ka kooban ergo ka kala socota Maraykanka iyo israel ayaa ka shaqaynaya naqshadeynta dhulka ay Israel goosaneyso, Maraykankuna uu doonayo in uu aqoonsado.

Nabil Abu Rudeineh  oo ah afayeenka Madaxtooyadda Falastiin ayaa waxkama jiraan ku tilmaamay hadalka Friedman.

War lagu daabacay wakaaladda wararka WAFA ayuu ku sheegay in go’aanka dhul goosiga uu ku saleysan yahay “heshiiskii qarniga” ee Maraykanka.

Qorshaha uu Madaxweyne trump ku tilaamo “heshiiska qarniga” waxaa uu ku dhawaaqay 28-kii bishii January. Waxaana uu dhigayaa in Qudus ay tahay caasimadda aan kala qaybsaneyn ee Israel, islamarkaana inta ugu badan ee Daanta Galbeed ay dhulka Israel ka mid tahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this