Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaano ka tirsan Galmudug oo gaaray Degaano ay ku dagaalameen Laba Beelood

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug ee laga soo doorto Degmada Cadaado ayaa shalay booqday Degaanka Qalaanqale oo dhowaan dagaallo ku dhex mareen laba beelood oo halkaasi wada deggan.

Xildhibaanadaas ka tirsan Baarlamanka Galmudug ayaa la kulmay saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug ee la kala dhex dhigay Labada Malaysiya-beeleed kuwaas oo ay kala hadleen Nabadaynta Degaanka.

Sidoo kale waxa ay Degaanka Xinjilab kula kulmeen Odayaasha dhaqanka Waxayna ku boorriyeen in ay Bulshada ku wacyi geliyaan Nabadda iyo Walaalnimada islamarkaana Ciidamada ku gacan-siiyaan ka shaqaynta Amniga.

Degaanka Qalaanqale ee Xildhibaannadu booqdeen oo ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa dhowaan dagaallo culus ku dhexmareen laba Malayshiya beeleed oo halkaas wada deggan waxaana kala dhex galay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Kuwa Galmudug.

PUNTLAND POST

The post Xildhibaano ka tirsan Galmudug oo gaaray Degaano ay ku dagaalameen Laba Beelood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this