Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Itoobiya ee aan ka tirsanayn AMISOM oo la xaqiijiyay in ay soo rideen diyaaradii African Express

Recommended Posts

Deeq A.   

Warbixin loo diray Xafiiska Kakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Francisco Madeira, ayaa lagu xaqiijiyay in Ciidamada Itoobiya oo aan ka tirsanayn Hawlgalka AMISOM ay soo rideen, diyaaraddii African Express ee 4-April 2020 ku burburtay degmada Bardaale ee Gobolka Baay.

Warbixintan oo uu diray Taliska Ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM, ayaa lagu sheeegay in diyaaradda la soo riday aysan wax xiriir ah ka heysan Ciidamada Itoobiya ee saldhiga ku leh degmada Bardaale, balse soo wargelisay Qeybta 3aad Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya (AMISOM).

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu xusay, in markii diyaarad ay imaanayso Bardaale ay caadiyan ka timaaddo dhanka Bari una caga-dhigato dhanka Galbeed, balse diyaaraddaas ay dhanka Galbeed ka soo duushay, islamarkaana mudda ku dul wareegtay xero milateri oo halkaas ku taalla, kadib markii caguhu u bixi waayeen, sidaas darteedna looga shakiyay.

Sidoo kale, warbixinta ayaa intaas ku dartay, in kadib markii diyaaraddu ay sameysay dhaq dhaqaaqyo badan in looga shakiyay in ay is qarxiso, ayna isku dayeysay in ay raadsato bartilmaameedka xeradaasi ciidan, kadibna ay soo rideen ciidamada Itoobiya ee aan ka tirsanayn AMISOM, islamarkaana ay ku dhinteen saddex muwaadin oo Kenyan ah iyo laba muwaadin oo Soomaaliyeed.

Hoos ka akhriso warbixinta

AMISOM.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Itoobiya ee aan ka tirsanayn AMISOM oo la xaqiijiyay in ay soo rideen diyaaradii African Express appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this