Deeq A. Posted May 9, 2020 Wasiirka caafimaadka maamulka Somaliland, Mudane Cumar Cabdullaahi Cali (Bade) oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa shaaciyey kiisas cusub oo Coronavirus ah. Wasiir Bade ayaa sheegay in saacadihii la soo dhaafay xanuunka laga helay 11 qof, kadib baaris lagu sameeyey, isagoo sidoo kale xaqiijiyey hal dhimasho ah. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dadkaasi ay kala joogaan magaalooyinka Burco, Hargeysa iyo deegaano kale oo ka tirsan maamulkaasi. Ugu dambeyn wasiirka caafimaadka Somaliland ayaa shacabka ka dalbaday inay qaataan talooyinka caafimaadka, si looga hortago fidista cudurka Covid-19. View the full article Share this post Link to post Share on other sites