Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyihii ciidanka Booliska Dhuusamareeb oo is-casilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha ciidamada Booliska magaalada Dhuusamareeb, Dhamme Burhaan Axmed oo xalay saq-dhexe shir jaraa’id ku qabtay gudaha magaaladaasi ayaa ku dhawaaqay inuu is-casilay, isaga oo sababta ku sheegay in faro-gelin qaawan lagu sameeyey shaqadiisa.

Burhaan ayaa tilmaamay in laba jeer xabsiga laga sii daayey eedeysanayaal uu soo xiray, islamarkaana lagu hayey baaritaan ku aadan inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab, wuxuuna xusay in mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ay ku lug leeyihiin arrintaasi

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in uu gartay in xilka uu baneeyo, si aysan dhibaato kale u imaan inta uu joogo taliska.

Dhamme Burhaan oo ah sarkaal dhalinyaro ah ayaa xilkaan hayey mudo yar, mana jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay madaxda Galmudug .oo ku aadan is-casilaadiisa.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this